Joe Biden oo la beeniyay in uu martiqaadey Xasan Sheekh

Image
Washington ayaa deg-deg u soo dhaweysay isbadalka dhanka hogaanka ee ka dhacay Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo ciwaankeeda Twitter-ka qoraal ku daabacdey ayaa beenisay wararka sheegaya in Joe Biden uu casuumay Xasan Sheekh Maxamuud.
 
"Dowladda Mareykanka way ka warqabtaa in madaxweynaha Soomaaliya uu si xooggan ugu hawlan yahay soo dhisida dowladdiisa," ayay safaaraddu raacisay.

Madaxweynaha cusub ee 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay qorshihiisa 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh ee dowladiisu qabaneyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in uu dalka ka dhaqan-geli doono tallaabooyin dhanka amniga ah, xasilooni siyaasadeed iyo dib u soo kabida dhaqaalaha dalka.

"Waxaa rabna 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabna in aan heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu Federaaleynayo arrimaha muhiimka ah," ayuu yiri.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in arrimaha amniga ay muhiimad gaar ah siin doonaan, islamarkaana ay hirgelin doonaan qorshayaal kor loogu qaadayo amniga dalka, gaar ahaan midda caasimadda.

Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonaan qorshe looga gudbayo nidaamka doorashada dadban oo aan dhaqan-gelin, si looga gudbo doorashada dadban ee khilaafka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM