John Brennan: Maraykanka iyo xulafadiisu ridi mayaan dowladda Syria

Image

March 14, 2015 (GO)- Maraykanka ayaa sheegay inaysan dooneyn in la rido dowladda Syria ee Madaxweyne Bashar Al-asad uu hoggaamiyo.

Agaasimaha Hay'adda sirdoonka Maraykanka (CIA) John Brennan ayaa warkan sheegay mar uu shalay la hadlayey xubnaha guddiga xiriirka dibadda ee Congress-ka.

Isagoo sharaxaya sababta Dowladda Maraykanku go'aankan u qaadatey wuxuu sheegay in haddii xukuumadda Asad meesha laga saaro, ay taasi la micne tahay in fursad weyn la siiyey ururka Daacish oo xilligan ka arimiya qaybo badan oo dalka Syria ka tirsan.

" Maraykanka iyo xulafadiisa iyo Russia midna ma doonayo in la baa bi'iyo hay'adaha dowliga ah ee Syria" ayuu yiri isagoo xusey in beesha caalamku xoogga saari doonto sidii loo heli lahaa dowlad awood leh oo metesha dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Syria.

Maraykanka oo kaashanaya dhowr dal oo ka kala tirsan Midowga Yurub iyo Bariga Dhexe ayaa bilihii u dambeeyey duqeymo dhanka cirka ah ku wadey fariisimaha kooxda Daacish oo iyadu xilligan gacanta ku haysa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Syria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM