John Brennan: Maraykanka iyo xulafadiisu ridi mayaan dowladda Syria

Image

March 14, 2015 (GO)- Maraykanka ayaa sheegay inaysan dooneyn in la rido dowladda Syria ee Madaxweyne Bashar Al-asad uu hoggaamiyo.

Agaasimaha Hay'adda sirdoonka Maraykanka (CIA) John Brennan ayaa warkan sheegay mar uu shalay la hadlayey xubnaha guddiga xiriirka dibadda ee Congress-ka.

Isagoo sharaxaya sababta Dowladda Maraykanku go'aankan u qaadatey wuxuu sheegay in haddii xukuumadda Asad meesha laga saaro, ay taasi la micne tahay in fursad weyn la siiyey ururka Daacish oo xilligan ka arimiya qaybo badan oo dalka Syria ka tirsan.

" Maraykanka iyo xulafadiisa iyo Russia midna ma doonayo in la baa bi'iyo hay'adaha dowliga ah ee Syria" ayuu yiri isagoo xusey in beesha caalamku xoogga saari doonto sidii loo heli lahaa dowlad awood leh oo metesha dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Syria.

Maraykanka oo kaashanaya dhowr dal oo ka kala tirsan Midowga Yurub iyo Bariga Dhexe ayaa bilihii u dambeeyey duqeymo dhanka cirka ah ku wadey fariisimaha kooxda Daacish oo iyadu xilligan gacanta ku haysa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Syria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM