Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya — Maamulka Jubbaland ayaa si adag ugu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka leexatay ajendeyaasha qaran ee muhiimka ah, sida la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta midnimada dalka, iyagoo sheegay in madaxda Villa Somalia ay doorbideen dano siyaasadeed oo gaaban.

Bayaan adag oo Jubbaland soo saartay ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan wax muuqda ka qaban amniga iyo maamul wanaagga, taasoo keentay in kalsoonidii shacabka ay sii dunto.

“Badbaadada dalka waxay ku jirtaa midnimo qaran iyo hoggaan mas’uul ka ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka maamulka Jubbaland.

Jubbaland waxay sidoo kale taageero buuxda u muujisay Golaha Badbaadada Qaranka Soomaaliyeed — oo ah isbaheysi mucaarad ah oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. Golahaas ayaa Axaddii ku soo gabagabeeyay shir labo maalmood socday oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maamulka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aannadii kasoo baxay shirkaasi, isagoo ku tilmaamay kuwo muhiim u ah badbaadinta dalka iyo ka hortagga fowdo siyaasadeed oo qaran.

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, dhaqaale, iyo siyaasadeed oo ba’an.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM