Al-Shabaab oo xero ciidan ka furtay nawaaxiga Afmadoow

Image
Illo wareedyo sirdoon ayaa xaqiijiyey in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay xoojiyeen fariisimahooda Jubbooyinka.

KISMAAYO, Jubaland - Maleyshiyaad Al-Shabaab ayaa xoojiyey saldhigyada ay ku leeyihiin gobolada jubbooyinka kadib markii uu ku kordhay cadaadiska qaar kamid ah goboladda dalka, sidda ay sheegayaan illo mukhaabaraad.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, xoogaga gacansaarka la leh ayaa fariisin cusub waxay ka sameysteen nawaaxiga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Afmadoow oo 120 KM u jirta Kismaayo ayaa waxaa muddo 10 sano ka badan gacanta ku haysa Jubbaland, waxayna marar badan la kulantay weeraro kaga yimid kooxda hubeysan.

Ciidamada Kenya ee ka tirsan gobolka ATMIS ayaa sidoo kale waxa ay joogitaan ku leeyihiin Afmadow. Saldhig fiican oo ay joogaan cutubyo askar badan iyo gadiid dagaal ayaa si lamid ah halkaas u jooga.

"Meel aanan ka fogeyn magaalada oo qiyaastii 20km u jirta dhanka Jillib ayaa lagu arkay xubno Al-Shabaab ah oo tababar ku qaadanaya," ayay caddeeyeen saraakiisha amniga ee Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa kusoo hagaagaya xilli Jubaland ay horey u shaacisay in ay u diyaar-garoobeyso guluf ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab wallow illaa haatan uusan si rasmi ah u bilaaban.

Saraakiisha amniga Jubaland ayaa horey waxay daboolka uga qaadeen in Afmadow ay xarun u noqon doonto howlgalada cusub waxaana muuqata in Al-Shabaab ay ka hortageyso dhaqdhaqaaqaas.

Wasaaradda Duulista Hawada ayaa sanadkii hore waxay dhankeeda shaacisay in Afmadoow laga dhisayo garoon diyaaradeed. Tani waxaa loo arkay mid lagu fududeynayo isu-socodka gaadiidka inta howlgalada socdaan.

Bartilmaameedka howlgalada Jubaland dooneyso in ay bilowdo ayaa waxaa loo arkaa degaanadda kala ah Xagar iyo Badhaadhe. Xagar waxa ay Afmadoow u jirtaa 45 km oo kaliya waxaana dhowrkii sano xudun u ahayd howlgalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM