Jubaland oo baaq kasoo saartay waxbarashada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa dalbadey iskaashi dhexmara hay'addaha ku shaqadda leh qaddiyadan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Aqalka martida ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradaha Caafimaadka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Ka qeybgalay shirkii Wasaaradaha Caafimaadka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta kala duwan ee shirkan ka qeybgalay wadatashiyadii iyo qiimayntii ay sameeyeen maalmahii ay shirka ku jireen isagoo xusay in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee heerarka kala duwan leh ee dalka taas oo xoojinaysa adeega shacabka loo hayo.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, oo aqalka martida ku qaabilay masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Dowlada Federaalka iyo Dowlada xubnaha ka ah ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo qeybgaleen shirka Wasaaradaha Waxbarashada dalka ee Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ka dhexeeya wasaaradaha Waxbarashada si tacliinta dalka ay u noqoto mid waxtar leh.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in iskaashiga dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowlada uu xoojinayo howlaha shacabka loo hayo isla Markana shaqooyinku ay noqonayaan kuwo isku dheeli tiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM