Jubaland oo Beenisay Eedeymaha DFS ee Ku Saabsan Joogitaanka Ciidamadeeda Gudaha Kenya

Image

KISMAAYO, Somalia - Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad u beenisay eedeymo la xiriira in ciidamadeedu ay ku sugan yihiin deegaanka Border Point One ee gobolka Mandera ee dalka Kenya, kaddib mudaharaadyo ay dadka deegaanka dhigeen maalmo kahor, kuwaasoo dalbanayay in laga saaro ciidamadaas dhulka Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland, Maxamed Sayiid, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin meel u dhow xadka, balse aysan gudaha u gelin dhulka Kenya. Wuxuu xusay in ay ixtiraamayaan xadka iyo madax-bannaanida waddanka deriska ah.

Dhanka kale, magaalada Beled-Xaawo oo dhawaan la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaddib dagaal socday muddo todobaad ah, ayaa sababtay barakaca boqolaal qof. Qaar badan oo ka mid ah dadkaas ayaa u qaxay magaalada Mandera ee dhanka Kenya si ay u helaan badbaado iyo gargaar.

Xaaladda guud ee xuduudda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo weli laga baqdin qabo in xiisadda ay sii fido. Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa lagu cadaadinayaa in ay si degdeg ah xal uga gaaraan arrimaha taagan.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay ku amreen Cabdirashiid Janan, oo ah taliyaha cusub ee sirdoonka Gobolka Gedo inuu ka baxo Beled-Xaawo, islamarkaana ku wareejiyo Jubaland. Inta badan degmooyinka gobolka waxaa ku sugan Ciidanka Jubaland.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa inay doorasho aan heshiis lagu ahayn ku qabato Gedo, iyadoo geysay Ciidamada diyaarado looga qaadey Muqdisho, kuwaasoo colaad ka abuuray magaalooyin xasilooni iyo maamul maxali ah ka jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM