Jubaland oo billowdey doorashadda kuraastii ugu horeysay Aqalka Hoose

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubaland ayaa Maanta si rasmi ah u billaabey doorashadda kuraastii ugu horeysay ee Gollaha Shacabka xili dalka ay kasoo cusboonaatey xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysay Farmaajo iyo Rooble.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo baxay Kursi 1aad, waxaana uu helay 69 cod, halka musharaxa la tartamay Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17 cod, waxaa hallaabay 15 cod, sida uu ku dhawaaqey gudiga doorashadda heer maamulka Goboleed ee Jubaland.

Xamse ayaa ahaa Guddoomiyihii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubaland, waxaana guushiisa ka dhigan tahay daah-furka doorashadda Aqalka Hoose ee Jubaland, oo mudo la sugayay.

Cabdirashiid Jirre Qalinle ayaa ku guuleystay kursiga 2aad ee HOP82 ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wuxuu helay 75 cod, halka Siyaad Aaden Iidle oo la tartamayey uu helay 20 cod.

Puntland ayaa dhiman, oo lagu wado inay dhawaan billowdo doorashadda Gollaha Shacabka, oo mudo dib u dhac ku yimid, iyadoo ka gudubtay waqtigii loogu tala-galay, oo ahayd in lagu soo afjaro bishan dhamaadka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM