Jubaland oo bilowday dadaalo lagu qaboojinayo colaada Luuq

Image
Shirkan ayaa hordhac u ah sidii loogu soocelin Lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada kunool degmada Luuq.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirar hor dhac u ah Nabadaynta Beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay laqaateen odayaaha dhaqanka Degmada Luuq .

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan iyo wafdi uu oo ay qayb ka yihiin wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka Iyo Isbedalka Cimilada XfS Ahmed Cumar Maxamed wasiir ku xigeenka wasarada shaqada iyo shaqaalaha Xfs Cismaan Libaax xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaala ah oo dirir dhexmartay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan ee ku nool Degmada Luuq

Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soocelin Lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada kunool degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo Nabada islamarkaana laga sii anba qaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ee dirirty dhex martay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM