Axmed Madoobe oo fariin u direy ganacsatadda Jubaland

Image
Image
Image
Image
Dhambaalkan ayaa ku saabsan wax ka qabashadda abaaraha saameeyay dad iyo duunyo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda Amniga, abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyo booqashadii ay shalay Kismaayo ku timid safiirka UK ee Soomaaliya.

Warbixinta amniga ayaa ugu horeeyntii golaha looga hadlay, waxaana la bogaadiyey ciidamada Dowlada qaybahooda kale duwan kuwaa oo kujira baacsiga kooxaha nabad diidka ah iyo adkeeynta amaanka guud.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladdu ay wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhaceen.

Danacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay in ay kala hadleen sidii ay qayb weyn oga qaadan  lahaayeen gurmadka loo sameenayo dadka ay abaartu saameysay.

Sidoo kale, golaha wasiirada ayuu uga warbixiyey kulankii shalay uu la qaatay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster kaa oo diiradda lagu saaray sidii ay Dowlada UK qayb oga qaadan laheyd gurmadka abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM