Axmed Madoobe oo fariin u direy ganacsatadda Jubaland

Image
Image
Image
Image
Dhambaalkan ayaa ku saabsan wax ka qabashadda abaaraha saameeyay dad iyo duunyo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda Amniga, abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyo booqashadii ay shalay Kismaayo ku timid safiirka UK ee Soomaaliya.

Warbixinta amniga ayaa ugu horeeyntii golaha looga hadlay, waxaana la bogaadiyey ciidamada Dowlada qaybahooda kale duwan kuwaa oo kujira baacsiga kooxaha nabad diidka ah iyo adkeeynta amaanka guud.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladdu ay wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhaceen.

Danacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay in ay kala hadleen sidii ay qayb weyn oga qaadan  lahaayeen gurmadka loo sameenayo dadka ay abaartu saameysay.

Sidoo kale, golaha wasiirada ayuu uga warbixiyey kulankii shalay uu la qaatay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster kaa oo diiradda lagu saaray sidii ay Dowlada UK qayb oga qaadan laheyd gurmadka abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM