Jubaland oo is-rasaaseyntii Kismaayo ku eedeysay DF Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamul goboleedka Jubaland ayaa tacshiiradii maanta ka dhacday kontarool ku yaala magaalada Kismaayo ku eedeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Iska hor-imaadka oo muddo kooban socday ayaa dhexmaray Ciidamadda Amniga Jubaland iyo ilaalada siyaasiga Cabdinaasir Seeraar.

Dhacdadaas ayaa timid iyaddoo ay xarunta gobolka Jubada Hoose ay ku sugnaayeen wafuud ka socotay Mareykanka – safiirka u fadhiya Muqdisho iyo taliyaha AFRICOM.

Injineer Cabdi Xuseen Maxamed, wasiirka warfaafinta, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ujeedada laga lahaa is-rasaaseynta ku tilmaamay "in khal-khal lagu geliyo ammaanka magaalada".

Wasiirka oo tibaaxay in ay ka hortageen qorshahaas ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalada Seeraar ay bilaabeen xabadaha, wallow uu caddeeyay in aysan khasaaro ka dhalan isku dhaca.

Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig oo kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe ayuu daboolka ka qaadey "in ay ku shaqeeyaan maskaxda Villa Soomaaliya oo dhaqaalo ay ka helaan".

"Waxaan umadda Soomaaliyeed, reer Jubaland iyo Beesha Caalamkaba aan ogeysiineynaa in muddo lix bilood ah aan u adkeysaneynay raggaas u adeega Dowladda Federaalka…maskaxdooda iyo oraahdooda ku socda, wixii intaa ka dambeeyana aanan u adkeysan doonin wixii kasoo baxana ay iyagu ka jawaabi doonan…dowladda federaalka ay mas'uuliyadda qaadi doonto intaas way ku filan tahay," ayuu daaha ka rogay wasiirka.

Dowlada Farmaajo oo uusan fiicneyn xiriirka kala dhaxeeyn Jubaland ayaa ku fashilantay in ay doorasho kaga adkaato Axmed Madoobe, waxayna doorbiday in ay abuurto xasilooni daro.

Ugu dambeyntii, wasiir Maxamed oo carabka ku adkeeyay in Jubaland aysan u dulqaadan doonin talaabooyinka looga dhex-abuurayo rabshadaha ayaa cadeeyay in difaacanayaan ammaankooda.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM