Jubaland oo ka hor-timid dhimista tiradda ciidamadda ATMIS

Image
Maamulka Kismaayo ayaa ku baaqay "in dib loo dhigo lana hakiyo qorshahan khatarta leh".

KISMAAYO, Jubaland - Iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee loo yaqaano ATMIS ay dhimeen tirada ciidamada ayaa sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa uu ka digay in qorshahan uu yahay mid aan laga fiirsan, isla markaana uu sare u qaadayo khatarta ah in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan goobihii ay ka waayeen.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ayaa VOA-da u sheegay in ay ku adkaan doonto in ciidamada Soomaaliya ay sugaan ammaanka goobaha ay baneeyaan ciidamada Midowga Afrika.

"Waxaa meeshaas ka iman doonta khatar," Maxamuud Sayid Aadan ayaa yiri Talaadadii. "Cadowgu wuxuu doonayaa inuu faa'iido helo. Dadka rayidka ah ee ku tiirsanaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS-ka waxay la kulmi doonaan aargoosiga [maleeshiyada al-Shabaab].”

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa faarujiyey lix saldhig oo ciidan oo ay ku wareejiyeen ciidamada Soomaaliya todobaadkii hore. Saldhig toddobaad ayaa la xiray.

Midowga Afrika ayaa doonaya in si tartiib tartiib ah loo dhimo tirada ciidamada illaa bisha December ee sanadka 2024-ka, markaasoo la soo gabagabeynayo howlgalka.

Dhimista 2,000 oo askari oo 400 ka kala imaanaya shanta wadan ee ay ciidamada ka joogaan Burundi, Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Uganda – ayaa hoos u dhigi doonta tirada ciidamada ilaa 16,586.

Midowga Afrika ayaa dowladda Soomaaliya kula heshiiyay in 3,000 oo askari oo kale laga saaro dhamaadka bisha September. "Waa qorshe aan si fiican looga fikirin, waa mid degdeg ah," ayuu yiri Aden. Aden wuxuu ku baaqay dhimista "in la hakiyo oo dib loo eego". Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa fulinta qorshan iyo bixitaanka ATMIS 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM