Jubaland oo taageertay go’aanka gudoonka golaha shacabka

Image
Talaabadda afhayeenka Aqalka Hoose ayaa banjarisay isku-day ka iimid maamulka Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo la kulmay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa u dabaal dagay go’aan ka gaarista murankii hareeyay kuraasta gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa Afhayeenka Golaha Shacabka Aadan Madoobe uga mahadceliyay go’aanta uu ku fasaxay 16ka kursi ee lagu doortay Ceelwaaq oo xanuun ku haysay hoggaamiyaha Jubbaland.

Tallaabadaas uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ee ah in uu caddeeyo in dhabbe sharci ah ku yimaadeen Xildhibannada lagu doortay Ceelwaaq ayuu ku tilmaamay mid ay soo dhaweynayaan DG Jubbaland iyo Shacabkaba.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan salaan iyo hambalyo ah la qaatay madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Madoobe  ayaa Guddoomiyaha la wadaagay sida shacabka reer Jubaland iyo bulshadba ay u taageereen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Golaha Shacabka.

“Madaxweynahu waxa uu  Gudoomiyaha uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland gaar ahaan Ceelwaaq ee gobolka Gedo” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Axadii Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen in 16-kii xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq in ay yihiin xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolka Gedo.

Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay ina y go’aankoodan ay saldhig uga dhigeen maadaama xildhibaanada doorashadoodu ka dhacday degmada Ceelwaaq in lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal, iyada oo doorashadoodana ay qabteen Guddida Hirgelinta Doorashada Dadban ee heer dawlad goboleed, halka xildhibaanada lagu soo doortay degmada Garbahaaray inaanay doorashadooda qaban guddidii doorashada ee heer dawlad goboleed ee ay ahayd inay qabato.

Guddoonka golaha shacabka ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay laba qodob oo ay go'aamiyeen oo kala ah:

  1. In Xildhibaanada lagu soo doortey Degmada Ceelwaag ee Gobolka Gedo inay yihiin kuwa sharci ahaan ku matalaya Gobolka Gedo Baarlamaanka 11aad, maadaama Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland uu furay Doorashada, habraaca Doorashadoodana ay qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashada dadban ee Heer Dawlad Goboleed, halka shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimo ay siiyeen Guddiga Hirgalinta Doorshada Dadban ee Heer Federaal, uuna taageerey R/Waasaraha X.F.S oo ah Madaxa Doorshada Dadban ee 2021/2022, sidaa darteed aanay jirin meel laga duro habraaca Xildhibaanada lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
  2. Guddoonku waxuu ku talinayaa dadka walaalaha ee Gobolka Gedo ee xurgufta siyaasadeed soo kala dhex gashay in ay khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan maadaama ay doorashadii dhamaatay.

Talaabadaas ayaa soo afjartay buuq ka jiray xarunta gollaha shacabka ka dib markii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu sameeyay wax loogu yeeray doorasho oo ka dhacday Garbahaaray.

Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe u sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu garab taagan yahay si looga gudbo xaaladaha kala guurka ee Dalka sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM