Jubaland oo u jiheysatay howlgalo "hal geedi iyo hal askari ah"
KISMAAYO, Jubaland - Kadib wax ka badan 10 sano oo maamulka Jubbaland lagu eedeynayay in uu ka gaabinayo la dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaasna ciidamadiisa ay dhaafi la’yihiin Kismaayo iyo agagaarkeeda iyaga oo dugaashanaya kuwa Kenya, waxaa hadda markii ugu horeysay muuqanaya saan-saanta hawlgalo dhab ah oo durba natiijooyin laga gaaray.
Jubaland oo todobaadyo ka hor la wareegtay gacan ku haynta degaanka muhiimka ah ee Janaa Cabdalle ayaa wada hawlgalo ay ciidamada duurka kusii galayaan, iyaga oo hawlgalada gaarsiiyay illaa 40 kiilo mitir oo ku hareeraysan deegaankaasi.
Qorshaha waxa uu yahay in degaan kasta oo Al-Shabaab laga saaro aanan dib loogu soo laaban, lana xaqiijiyo in deegaankaasi lagu dhaafo ciidamo ku filan in ay amnigiisa sugaan sida uu sheegay afhayeenka hawlgalka, Maxamed Faarax Daahir.
Howlgal sida "shantalada timaha ah"
Afhayeenka oo ka hadlayay kaartada dagaalka hadda la wado ayaa yiri: "Hawlgalkanagu waa sida shanlada u dhex marto timaha loo dhex marin doono degaanka oo ah in ciidanka uu geed kasta hoos istaago ah".
Hawlgalo ka dhacay degaanada Sooyaa iyo Qalaawilaha ayaa lagu dilay afar kamid ahaa Al-Shabaab oo uu ka midyahay horjooigii kooxdan ee deegaanka Janaa Cabdalle, kaas oo maydkiisa saxaafadda loosoo bandhigay.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo dhawr oo boqol oo ciidanka booliiska ah tababar ugu soo xirey Kismaayo ayaa sheegay in ciidankani loogu talagalay in ay sugaan amniga deegaanada la xoreeyay.
"Ma jiro geed uusan askari taagneyn"
Sida laga soo xigtey afhayeenka hawlgalada Maxamed Daahir: "Janaa Cabdalle iyo Kismaayo waxaa u dhaxeeya dhul 60KM dhan, ma jiro geed uusan askari hoos taagnayn intaasi, ma doonayno in aan dib ugu laabano dhulkii aan soo xoreynay illaa aan Bu’aale ka gaarayno".
Jubbaland ayaa qorsheynaysa in ay Bu’aale ka weerarto dhinaca degmada Afmadoow iyo Xagar, halkaas oo ah dhul geed gaab oo ay adagtahay in Al-Shabaab ay ku dhuumaalaystaan, ama u galaan ciidamada oo xagga cirka ka helaya taageerada diyaaradaha Maraykanka.
Waxa ay ciidamada ka fogaanayaan dhulka webiga ku teedsan oo ah dhul dhirtiisu badan tahay, ayna sahlantahay in koox yar oo Al-Shabaab ah ay qasaaro weyn u geystaan ciidanka.
Baaqa ku wajahan dadka shacabka ah
Maxamed Daahir ayaa shacabka degaanada la xoreynayo ku wargaliyay in aysan ka cararin ciidamada dowladda, wuxuuna yiri: "Wofkii carara waa la tooganayaa, sababtoo ah waxa looga shakinayaa in uu yahay Alshabaab baxsad ah".
Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la lahaa dadka shacabka ee xoolo dhaqatada u badan ee loogu tagay degaanada Al-Shabaab laga qabsadey si ay uga helaan taageero dhanka macluumaadka ah.
Jubaland waa meesha kaliya ee gobol dhan ay ka maamulaan Al-Shabaab. Bu'aale oo ah xarunta gobolka Jubada Dhexe ayaa ah fariisinka ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida. Horjoogeyaasha ugu waaweyn kooxda ayaa la aaminsan yahay ina y halkaas ku dhuumaaleystaan. Weerar lagu qaado magaalada ayaa culeyska kusii kordhin doonta maleyshiyada.
GAROWE ONLINE