Jubaland oo xirtey nin TikTok ku baahiyey war been abuur ah

Image
Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya.

KISMAAYO, Jubaland – Ciidamada booliska Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xabsiga dhigay wiil bartiisa TikTok ku faafiyay muuqaal uu iska duubay, isla markaana uu ku shaaciyey in Kismaayo uu ku noolyahay nin ay xaas u tahay gabadhiisa.

Ninkaan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa muuqaalkii uu iska duubay wuxuu ku sheegay in ninka guursaday gabdhiisa ay u joogaan carruur ay u dhashay, intaas kadibna waxaa bilowday baaritaanka arrintaas.

Booliska Jubbaland ayaa baaray waxa ka jira arrintaas, balse waxay saraakiishu sheegeen in aysan waxaba ka jirin, waxaana wiilkii beentaas sheegay laga soo qabtay magaalada Dhoobley, iyadoo diyaarad lagu geeyey Kismaayo, halkaas oo lagu xiray.

 “Arintaas markii ay ciidanka booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen run ma noqon oo waa waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee booliska Jubbaland.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkii dhallinyarada ahaa ee beenta sheegay, ayuu ku qirtay in warkii uu horay TikTok ugu faafiyay uu ahaa mid been abuur ah.

Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa sheegay inuu garowsaday in warkiisu uu bulshada ka dhex abuuray qalqal iyo walaac badan. Waxayna Booliiska Jubbada Hoose sheegeen in markii uu soo gaaray warkaas baaritaan deg deg ah bilaabeen, maadaamaa arrintaas ay aad uga hor imaaneyso dhaqanka iyo diinta Islaamka, isla markaana ay u cadaatay in warkaasi uu been yahay.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa markii uu muuqaalkaas duubayay wuxuu ku sugnaa magaalada Dhoobley, kadibna loo duuliyay magaalada Kismaayo, halkaas oo su’aalo lagu weydiiyay.

Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa isticmaasha Barta TikTok, waxa ayna marar ku baahiyaan warar been abuur ah iyo kuwa ka hor imaanaya dhaqanka Soomaalida si ay u helaan daawasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM