Jubaland: Rayid ay caruur ku jiraan oo nafwaayay qarax miino

Image
Weerarkan lala xiriiriyey maleyshiyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ku dhamaadey xoolo.

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan 10 qof ayaa ku nafwaayey qarax miino oo Jimcada maanta ah ka dhacay duleedka caasimada ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta ammaanka.

Afar kamid ah dadka geeriyooday ayaa ahaa haween, halka inta kale ay ahaayeen rag kuwaasoo laba ay ku jiraan laba caruur. Sidoo kale, waxaa ku dhamaadey xoolo loo waday in lasoo iibiyo.

Falkan ayaa ka dhacay tuuladda Gaaba-gabdhoole oo u dhaxeeya wadada isku xirta degaanadda Cabdi Dhoore iyo Beexaani oo hoostaga gobolka Jubada Hoose koonfurta Soomaaliya.

"Qaraxaas wuxuu asiibay baabuur Caanooley oo laga leeyahay Kismaayo. Kaliya waxaa ka badbaadey hal qof oo Karishboy ahaa. Waxaana ka dambeysay nimanka argagixisada ah," ayuu yiri sarkaal ciidan.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa xaqiijiyey in labada caruur ee ku dhimatay dhacdadan loogu soo waday Kismaayo sababo xaalad caafimaad.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee noocaan ah lagana soo wariyey aaggan lana beegsadey ciidanka Jubalnad waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Deeqo Cabdi Aadan, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Jubaland ee u gurmadey dadka ay waxyeelada kasoo gaartey "musiibadan" ayaa rumeysan in bartilmaameedka uu ahaa ciidamadda sugaya amniga doorashada.

Rayidka ah ayaa ah dhibaneyaasha ugu badan ee weerarada lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii fal noocaan kale lagana soo wariyey Rab-dhuure ay shacab ku leedeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM