Jubbaland oo Al-Shabaab ka saartay meel ay dhawr jeer kala qabsadeen

Image
Hawlgalkan ayaa boggaadin iyo ammaan ka heley Ra'iisul Wasaare Xamse oo ku tilmaamay mid biloow ah

KISMAAYO, Jubaland - Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa Sabtidii shalay ahayd wuxuu ku dhawaaqay in si rasmi ah uu billaabay weerarkii ugu horreeyay ee ‘dhowr jiho oo kala duwan’ oo ka dhan ah maleyshiyadda Al-Shabaab.

Kismaayo ayaa sheegtay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka ay dagaal la’aan ku qabsadeen deegaanka Janna Cabdalle oo qiyaastii 52 kM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Hawlgal ciidamada Jubbaland ay qaadeen ayaa lagu tilmaamay mid ay dib ugu laabatay raadkeedii maadaamaa isla goobahan marar badan oo hore ay ciidamada maamulka u gaareen.

Ciidanka ayaa gaaray degaanka Birta Dheer oo ah meesha kala barta Kismaayo iyo Afmadoow, isuguna yimaadaan seddex waddo oo muhiim ah, iyada oo Alshabaab ay halkaasi lacago uga qaadi jirtay gaadiidka u kala gooshaya degmooyinka Jubbada Hoose.

Dhibka jira ayaa ah in deegaanada hawlgalka uu ka dhacay aysan ahayn wax cusub, iyada oo ciidamada Jubbaland ay halkani tagayeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo markii ugu dambeysay ee ay tageen, dibna uga soo baxeen ay ahayd sanadkii 2020-kii.

Hase-ahaatee, hawlgalkan ayaa boggaadin iyo ammaan ka heley Ra'iisul Wasaare Xamse oo ku tilmaamay mid biloow ah. Lama oga in hawlgalkii dhacay uu yahay sida uu u biloowday guud ahaan hawlgalada ay Jubbaland intii mudo ahba ballanqaadaysay.

Al-Shabaab ayaa iyaga aanan ku dagaalamin deegaanka Birta Dheer oo sidoo kale loo yaqaano Janaa Cabdalle, waxaa markasta la filan karaa weeraro rogaal celin ah xilli kooxdani ay dhowaanahan ciidamo badan ku uruurineysay gobolka Jubbada Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM