Jubbaland oo ciidan kala dhexdhigtay beelo dagaalamay

Image
Saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa ayaa dadka barakacay ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan Deegaannadooda.

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed iyo saraakiil ciidan u dirtay Deegaannada Diif iyo Garinley si ay xal ugu helaan maleeshiyo beeleed ku dagaalamay tuulooyinka u dhaxeeya deegaannadaas.

Saraakiil uu hoggaaminayo Gen. Cabaas Ibraahim Gurey oo ah Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DG Jubbaland oo tagay Tuulooyinka ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleedka ayaa amar ku bixiyay in ciidan la kala dhex dhigo ilaa iyo inta xal laga gaarayo.

Odoyaasha dhaqanka ayaa billaabay kulamo xal ay ugu raadinayaan muranka sababay dagaalka iyo Dadkii lagu dhibaateeyay aanooyinka qabiilka.

Saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa ayaa dadka barakacay ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan Deegaannadooda.

Gen. Cabaas Ibraahim Gurey ayaa dhankiisa sheegay in ay ka go’an tahay wax ka qabashada isku dhacyada maleeshiyo beeleedka hubeysan ee dagaalama iyo kuwa Dilalka aanooyinka u geysta Dadka Rayidka.

“Haddii aynu nahay Ciidanka Daraawiishta waajibka naga saaran arrintaan waa in aan kala dhexgalo oo aan kala dhicino oo aan ka qabano dadka ka faaiideysanaya isku dhacyada Dadka Walaalaha ah” ayuu yiri Gen. Cabaas Ibraahim Gurey.

Muqtaar Kaamil, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada DG Jubbaland oo qayb ka ah wafdiga ayaa sheegay in qaylo dhaanta kasoo gaartay Diif & Garinley ay kusoo baxeen, ujeedka socdaalkooda ayuu ku sheegay in uu yahay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Faarax Macalin Bishaar oo xubin ka ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa sheegay in mas’uuliyadda saaran ay tahay in marka hore xabadda la joojiyo kaddibna loo kala gar naqo dhinacyada is qabtay si xalka loo helo.

Saraakiisha loo xilsaaray joojinta dagaal beeleedka ka dhacay Tuulooyinka u dhaxeeya Diif & Garinley ayaa ka baxay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana lagu wadaa in lasoo bandhigo qodobada kasoo baxa kulamada u socda Odoyaasha labada Beel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM