Jubaland oo qardaysay dhul gabaad u ahaa kooxda Al-Shabaab

Image
Dhulkan oo dhan 30 kiilo mitir ayaa waxa uu dhaxeeya tuulada Buulo Guduud ee laamiga ku taala iyo Janaa Cabdalle.

KISMAAYO, Jubaland - Wararka laga helayo Jubada Hoose ayaa sheegaya in Jubbaland ay cagaf iyo shaqaale boqolaal ah galisay dhul baaxadiisa ay badan tahay oo ku yaala gobolkaasi, halkaasi oo dhulka la dhigay dhir aad u tiro badan, ujeedkana yahay in aysan Al-Shabaab ku dhuumaalaysanin.

Dhulkan oo dhan 30 kiilo mitir ayaa waxa uu dhaxeeya tuulada Buulo Guduud ee laamiga ku taala iyo Janaa Cabdalle, halkaasi oo dhirta laga jaray masaafo ay isha ku daasho labada dhinac ee wadada.

Wadadan ayaa waxaa si joogto ah ugu kala goosha ciidamada kala duwan ee hawlgalada ka wada aagaasi, waxaana laga baqdin qabay in sidii caadada ahayd ay Al-shabaab u dhigaan miinooyin ama weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada halkaasi maraya.

Shaqaale boqolaal gaaraya oo laga daabulay magaalada Kismaayo ayaa muddo maalmo ah ku qardeeyay dhir aad u badan, iyada oo hawsha ay ka qeybqaateen gaadiidka cagafta.

Ciidamada ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa hawshani, iyada oo Jubbaland ay qaadatay kaarto dagaal oo ah in dhulka ay taako taako u dhigto askar, kana foojignaato wax kasta oo dhagar ah oo Alshabaab ay maleegayaan.

Howlgalkan oo loogu magacdaray "hal geed iyo hal askari" ayaa illaa haatan waxaa "lagu xoreeyay dhowr degaano" halkaasoo ciidamadda ay baaqi kusii yihiin kuna adkeysteen in aysan ka baxayn.

Jubbaland ayaa ka faa'iideysanaysa waayo aragnimo 10 ah oo Al-Shabaab dagaalkeeda laga dhaxlay, iyada oo xitaa ciidanka laga wacyigaliyay in aysan ka cabbin ceelaha biyaha, waxna ka cunin dadka degan deegaanada ay horey Al-Shabaab u haysteen, iyada oo laga baqayo in kooxda ay sumeyso askarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cunaqabataynta Al-Shabaab oo La Kordhiyay

Wakiilka Federaalka Ruushka ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in "arrinta Yemen ay u baahan tahay in si gaar ah loo tixgeliyo."

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 01:04PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Xarunta Maamo Ugaaso iyo SWDC

Maamo Uagaaso ayaa ugu mahadcelisay deeqda lacageed ee Hormuud ay ku taakuleneyso xaruntaan.

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 12:04PM