Jubbaland oo xukuno dil ah fulisay Saddex Askari [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada Jubbaland, ayaa maanta oo Jimco ah waxay xukuno dil toogasho ah ku fulisay saddex askari oo lagu soo eedeeyay inay geysteen dilal bareer ah.

Askarta maanta la toogtay ayaa kala ahaa Cabdullaahi Asad Ismaaciil, Cabdirashiid Axmed Xasan iyo Aadan Cabdi Muumin.

Cabdullaahi Asad Ismaacil oo ah Askari ciidanka xooga ka tirsan ayaa sida ay xeer-beegtida sheegtay waxaa lagu helay inuu "si bareer ah" uu u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure iyadoo uur leh,  April 14, 2018.

Sidaasi si lamid ah Cabdi Rashiid Axmed Xasan ayaa isana lagu helay dambi ah inuu dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi, oo Askari ciidamada Jubbaland ka tirsanaa.

Aadan Cabdi Muumin oo isana ah Askari ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay Marxuum Cawil Colow Xasan, kaasoo ahaa Qof shacab ah, islamarkaaana degan magaalada Kismaayo, kaasi oo dadkiisa dalbadeen in loo qisaaso.

Toogashadda lagu fuliyay saddexdaan Askar oo ka dhacday Barxadda Akadeemiyada ciidaamda Jubbaland ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa goobjoog ahaa saraakiil ciidan, iyo ehalada dadkii la dilay.

Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadda oo goobta ka hadlay ayaa waxay sheegeen in ujeedka laga leeyahay fulinta xukunada dilalka ay tahay in la yareeyo dilalka ka dhaca Kismaayo, ee Shacabka loo geesto.

Waa markii labaad oo maxkamadda ciidamada Jubbaland ay xukuno dil ah ku fuliso Askar bishaan guhadeeda, iyadoo maalmo ka hor Kismaayo lagu dilay Askari la sheegay inuu Qof Shacab ah dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM