Kala qeybsanaan hareysay guddiyada doorashada heer federaal

Image
Is-qabqabsigan ayaa laga cabsi qabaa in uu dilo sumcadda guddiyada doorashooyinka heer federaal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kala qeybsanaan baahsan ayaa hareysay guddiyada doorashooyinka. Kala aragti-duwanaantan waxaa saameyn ku leh is-maan-dhaafyo siyaasi ah oo u dhaxeeya qaar kamid ah hogaanka waddanka.

Xafiisyada madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa lagu sheegay jileyaasha ugu badan ee hurinaya is-mari-waayadan oo dilaya sumcadda guddiyadda.

Rooble ayaa mas'uul ka ah daadihinta nidaamka doorashooyinka. Balse, wuxuu diidmo kala kulmayaa kooxda Farmaajo oo qorshahoodu yahay in ay afduubtaan geedi-socodka coddeyntan sida weyn u daahdey.

Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka heer federaal ayay labada dhinac kala adeegsanayaan. Natiijada kursiga HOP086 oo uu hantey Fahad Yaasiin waa kiiska ugu dambeeya ay isku hayaan.

Fahad oo ah gacanta midig ee Farmaajo waxaa kalka hore guushiisa hakiyey guddiga doorashooyinka heer federaal. Hase ahaatee, waxaa maanta fasaxay guddiga xalinta khilaafaadka wallow markii hore ka noqdeen arrintaas.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in cadaadis uga yimid xafiiska Rooble ay ka dhalatay in guddiga xalinta khilaafaadka ay boggooda Facebook-ga ka saaraan warqadda ayna ku tilmaamaan in ay tahay waxba kama jiraan.

Warbaahinta faafisa warbixinadda Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa warisay in madaxda golaha wadatashiga qaranka ay ku fekerayaan in hoos loo dhigo awoodaha guddiyada heer federaal loona wareejiyo kuwa maamuladda.

Doorashada golaha shacabka Soomaaliya ayaa haatan waxay maraysaa gabagabo iyadda oo kuraasta gobolada waqooyi lasoo afmeeray ayna dhamaad ku dhow-dahay xulista degaanadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM