Xildhibaan Barre: Al-shabaab ergo ayaan u direynaa waana la hadlaynaa

Image

March 14, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Aqlabiyadda Barlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la furaan ururka Al-shbabaab.

Xildhibaan Barre oo boqollaal dadweyne ah kula hadlayey goob fagaare ah, wuxuu sheegay in haddii ay suurogal tahay ay Al-shabaab kala hadli doonaan inay joojiso weerarrada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto.

"bannaanka naga mara, haddaad rabtiin duqey iyo culimaa'uddiin iyo siyaasiyiin ayaan idiin soo direynaa, waan idiin imaaneynaa noo sheega meshaad joogtiin" Xildhibaan Barre ayaa sidaas yiri, wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata raaciyey  " anaga hana soo fara gelinina, Gaarisa noo badbaadiya, Wajeer noo badbaadiya, Mandheera noo badbaadiya, Islii noo badbaadiya" 

Hadalka Guddoomiyaha Aqlabiyadda Barlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa kusoo aadaya maalin kaddib markii Al-shabaab jidka u gashay kolonyo uu la socdey guddoomiyaha degmada Mandhera Cali Roba.

Weerarkaas waxaa ku dhintey ugu yaraan afar qof  ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen inkastoo Cali Roba aanay wax dhibaato ahi  kasoo gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM