Kenya oo lagu eedeeyay ganacsi sharci darro ah Somalia

Image

12November, 2015(GO)-Koox fadhigoodu yahay dalkan Kenya ayaa sheegtay inay hayso cadaymo Cusub oo faahfaahsan oo sheegaya in militeriga Kenya ee Soomaliya jooga ay ku lug leeyihiin dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha dekada kismaayo.

Kooxda oo lagu magacaabo weriyayaal cadaalad doon ah ayaa warbixintooda ku sheegay in ciidamada kenya ay sidoo kale soo safriyaan sonkor kontorobaan ah oo gudaha kenya la keeno.

Warbixintan waxay sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay sanadkiiba 50m oo doolar ka helaan canshuridda dhuxusha iyo sonkorta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in ciidamada Kenya ay u suurtagaliyaan Shabaabka in ay lacag sameeyaan, maadama ay iyagana sidoo kale canshuraan dhuxusha iyo sonkorta ka soo baxda ama la geeyo goobaha ay maamulaan.

Dhoofinta dhuxusha oo ahaa isha ugu badan ee Al-Shabaab ka helayeen dakhligooda ayay Qaramada Midoobay waxa ay xayiraad ku soo rogtay sanadii 2012-ka.

Qorayaashu waxay qiyasaysayaan in 230 gawaari xamuul ah oo siddo sokor ay ka rartaan magaalada Kismayo isbuuc kasta, marinada ay sii maraan ka hor inta aysan Kenya gaarin ay maamulaan saraakiil ka tirsan ciidamndma Kenya ee joogo Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalkan sida duqaymaha militariga Kenya ay ku burburiyeen tuulooyin uu rayidku daganyahay, oo ay ku dilaan dad shacab ah iaygoo marmarka qaarna bartilmaaeedsada ceeslaha iyo xoolaha.

Waxa ay u muuqtaa in qorayaasha warbixintan ay soo gudbinayaan sawirro muujinaya in ciidammada Kenya ay minjaxaabinayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Xigasho: BBC

 

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM