Kenya oo xirtay Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Korneel Axmed Aadan Rufle, oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada xooga ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Booliska Kenya ay Xabisga dhigeen Labo Xilldhibaan oo ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Fededaalka Soomaaliya.

Xilldhibaanada ayaa waxaa lala xiray saraakiil ka tirsan ciidamadda xooga dalka, kuwaasoo Aagaas ugu magacownaa taliska militeriga Soomaaliya.

Labadda Mudane ee Baarlamaanka Federaalka ka tirsan oo ay xireen ciidamada Kenya ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xilldhibaan Cabdi Cali Xasan iyo Xilldhibaan Jamaal Cabdirashiid Xaaji.

Korneel Rufle ayaa xusay in Xilldhinadaan oo magaalada Ceelwaaq laga soo doortay ay ku xireen ciidamada Kenya Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, islamarkaana aan la garaneynin sababta xarigooda ka dambeysa.

"Ma garaneyno sababta ay ugu xireen labo meel oo kala gooni ah, balse, waxay kamid ah dhbaatooyinka ay ciidamadda Kenya ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Rufle.

Sida uu sheegay Rufle, Ciidamadda falkan u geystay Xilldhibaanadaan ay yihiin kuwa Booliska ah ee ku sugan Xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iy Kenya ee gobolka Gedo.

Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan xariga Xildhibaanada ay kasoo saareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Balse, Korneelka ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in dadaal dheer kadib oo ay sameeyeen mas'uuliyiinta gobolka iyo kan Jubbaland ay ku guuleysteen in lasii daayo Xilldhibaanada iyo saraakiisha kale ee lala xiray.

Falkan lagula kacay Xildhibaanada ayaa imaanayaa xilli mudooyinkii dambe ay isa soo tarayeen eedaymaha ku saabsan in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin u geystaan shacabka ku nool deegaanada xadka ku dhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM