Kenya: Macalin Kenyan ah oo lagu afduubtay xerada qaxootiga Xagardheer

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Haweenay u shaqaynaysay hay'ad lagu magacaabo Windle Trust International, isla markaan ahayd macalimad Kenyati ah, ayaa la sheegay in laga kaxaystay xerada qaxootiga Xagardheer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Lama oga cidda afduubatay, balse waxaa looga shakisanyahay ururka Al-Shabaab sida laga soo xiganayo saraakiil ka tirsan booliiska Kenya.

Hawenayda oo lagu magacaabo,Judy Mutua ayaa la tuhunsanyahay in lala soo aaday dhinaca Somalia, waloow uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dalka Kenya iyo hay'adda u shaqaynaysay.

Kooxda ayaa sidoo kale kaxaysatay gaari hay'addu iska lahayd.

Ma jirto cid waxyeelo kale ka soo gaartay weerarka haweenayda lagu afduubay, mana aha markii ugu horaysay oo shaqaale lagu afduubu dalkaasi.

Falkan xalay lagu afduubtay haweenaydan ayaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dalkaasi ku haysa weeraro qorshaysan tan iyo markii ay soo galeen dalka Somalia.

Dhinaca Al-Shabaab weli kama soo bixin war ku aadan afduubka Judy Mutua.

Gabadhan ayaa macalimad ah, waxayna la shaqaynaysay hay'adda Windle Trust International oo taageerta arrimaha waxbarashada dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM