"Kenyan kamid ahaa" dableydii weerartay xafiiska duqa Muqdisho

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo degaanka uu kasoo jeedo dagaalamahan.

NAIROBI, Kenya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in mid kamid ah dagaalameyaasha fuliyey weerarka ay 23-kii Janaayo, 2023 ku qaadey xarunta gobolka Banaadir uu u dhashay waddanka Kenya.

Sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida, dagaalamahan ayaa magaciisa waxa uu yahay Zubeyr Al-Muhaajir.

Warbixinta oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin ayaa waxay intaas ku daraysaa in Al-Muhaajir uu kasoo jeedo tuuladda Majengo oo hoostagta magaaladda Nyeri ee gobolka Central Highlands.

Fariin cod ah oo u muuqata in Al-Muhaajir laga duubay kahor weerarka, wuxuu kusoo hadal-qaadey Mahir Khalid Riziki, naftii-haligihii isku-qariyey Hotel-ka DusitD2 ee Nairobi Jan 15, 2019.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shan dabley ay fuliyeen weerarkaas. Mid kamid ah wuxuu isku-qariyey banaanka xafiiska duqa Muqdisho, afarta kalana gudaha ayay galeen.

Taliska Booliska ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydadka afarta dabley kadib markii ciidamadda ammaanka ay toogasho ku dileen, sidda uu sheegay afhayeenka bileyska, Sadiiq Doodishe.

Weerarkan oo dhacay xilli ay digniino jiraan ayaa dad badan waxa uu soo xasuusiyey is-qarxintii galaafatay Injineer Cabdiraxmaan Yariisow, iyo mas'uuliyiin kale oo maamulkiisa kala shaqeyneysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM