"Kenyan kamid ahaa" dableydii weerartay xafiiska duqa Muqdisho

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo degaanka uu kasoo jeedo dagaalamahan.

NAIROBI, Kenya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in mid kamid ah dagaalameyaasha fuliyey weerarka ay 23-kii Janaayo, 2023 ku qaadey xarunta gobolka Banaadir uu u dhashay waddanka Kenya.

Sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida, dagaalamahan ayaa magaciisa waxa uu yahay Zubeyr Al-Muhaajir.

Warbixinta oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin ayaa waxay intaas ku daraysaa in Al-Muhaajir uu kasoo jeedo tuuladda Majengo oo hoostagta magaaladda Nyeri ee gobolka Central Highlands.

Fariin cod ah oo u muuqata in Al-Muhaajir laga duubay kahor weerarka, wuxuu kusoo hadal-qaadey Mahir Khalid Riziki, naftii-haligihii isku-qariyey Hotel-ka DusitD2 ee Nairobi Jan 15, 2019.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shan dabley ay fuliyeen weerarkaas. Mid kamid ah wuxuu isku-qariyey banaanka xafiiska duqa Muqdisho, afarta kalana gudaha ayay galeen.

Taliska Booliska ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydadka afarta dabley kadib markii ciidamadda ammaanka ay toogasho ku dileen, sidda uu sheegay afhayeenka bileyska, Sadiiq Doodishe.

Weerarkan oo dhacay xilli ay digniino jiraan ayaa dad badan waxa uu soo xasuusiyey is-qarxintii galaafatay Injineer Cabdiraxmaan Yariisow, iyo mas'uuliyiin kale oo maamulkiisa kala shaqeyneysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM