Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Image

GENEVA, 28 Oktoobar 2025 – Garowe Online — Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa ka digtay in xaaladda nugul ee Soomaaliya ay weli u baahan tahay taageero caalami ah oo joogto ah iyo maalgelin dhab ah, si loo xaqiijiyo xasillooni iyo dowladnimo waarta.

Dyfan, oo khudbadeedii ugu dambeysay ka jeedisay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, ayaa sheegtay in dadaallada lagu doonayo in dalka uu u gudbo nidaamka “hal qof, hal cod” ay yihiin tallaabo horumarineed, balse khilaafaadka siyaasadeed iyo kalsooni darrada sii kordhaysa ay caqabad weyn ku yihiin dhismaha dowladnimo iyo dimuqraadiyad loo dhan yahay.

Waxay tilmaamtay in xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay sababeen iskahorimaadyo hubeysan iyo burbur ku yimid wada-shaqeyntii siyaasadeed ee hore u jirtay. Dyfan ayaa sheegtay in tanaasul la’aanta iyo murannada joogtada ahi ay khatar ku yihiin mustaqbalka siyaasadda dalka, iyadoo ugu baaqday hoggaamiyeyaasha in ay yeeshaan wada hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo soo celiyo kalsoonida iyo midnimada qaranka.

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha, xorriyadda muwaadiniinta, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah, iyadoo sheegtay in danaha siyaasadeed iyo kuwa gaar ahaaneed aan lagu beddeli karin xuquuqda shacabka.

“Soomaaliya weli waxay ku jirtaa marxalad jilicsan,” ayay tiri Dyfan. “Nabad iyo horumar joogto ah lama gaari karo haddii aan la helin is-afgarad siyaasadeed oo qaran iyo taageero joogto ah oo caalami ah.”

Ugu dambeyntii, Dyfan waxay beesha caalamka ku boorisay in aysan ka daalin taageerada Soomaaliya, maadaama ay weli jirto baahi weyn oo dhinacyada amniga, garsoorka, iyo bini’aadannimada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM