Khasaaraha geerida qaraxyada gobolka Hiiraan oo kordhay

Image
Mas'uuliyiin ayaa kamid ah dadka ku naf-waayay weeraradan oo yimid xilli Al-Shabaab ay wajahayso kacdoon shacab.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay labo qarax oo is xig-xigay oo shalay galab ka dhacay magaalooyin hoostaga maamulka HirShabelle ee bartamaha Soomaaliya.

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay gudaha magaalada Jalalaqsi, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa koontaroolka ciidamada ay qabteen gaari. Isbaarada ayaa ku dhow xarumaha dowladda hoose iyo saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Jabuuti.

“Abaarihii 2:30-kii duhurnimo ayaa gaari soo gaaray Koontaroolka, mid ka mid ah ciidamada canshuuraha qaadayay ayaa qori ku taagay, wuuna joojiyay,” ayuu yiri Mire Xuseen Siyaad, guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi. "Markii qoriga lagu fiiqay, ayuu gaarigu qarxay," Siyaad ayaa u sheegay VOA-da.

Siyaad wuxuu xusay in qaraxii Arbacadii ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, oo ay ku jiraan labadii hogaamiye ee rayidka ahaa ee magaalada, duqa magaalada Aadan Maxamed Ciise iyo Maxamed Nuur Cagajof Dabaashe oo ahaa guddoomiyaha degmada.

Dabaashe ayaa dhawaan laga bedelay guddoomiyaha Jalalaqsi, balse weli ma uusan wareejin xilkaas, sidda laga soo xigtey Siyaad oo si dhow ula socdey xaaladahan.

Dad kale ee dhintey waxaa ka mid ahaa askartii ku sugneyd isbaarooyinka iyo dad rayid ah oo ay ku jireen kuwo ku ganacsanayay waddooyinka. Qaraxa ayaa burburiyay dhismo ku dhow koontaroolka oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta deegaanka. Siyaad ayaa sheegay in laba ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku dhaawacmeen weerarka.

Siyaad wuxuu tibaaxay in bartilmaameedku ahaa buundada weyn ee magaalada. Dhanka kale, lix qof oo kale oo ay ku jiraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax kale, kaddib markii mooto saddex lugood leh oo walxaha qarxa lagu xiray lagu dhuftey buundada magaalada Buulobarde.

Buundada muhiimka ah ayaa isku xirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sawirro ay soo qaadeen goob-joogayaal ayaa muujinaya qaraxa uu burburiyey qayb weyn oo kamid ah buundada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM