Khasaaraha dhimasho ee qaraxii Muqdisho oo si weyn u korodhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaadyo dheeri ah ayaa kusoo kordhay khasaaraha qaraxii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya oo Sabtidii ka dhacay Muqdisho.

Weerarka oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa ayaa lagu beegsaday kontaroolka Ex-kontarool Afgooye oo ay ku taalo bar ay canshuur ku qaado Wasaaradda Maaliyadda.

Illaa iyo haatan ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkan, balse, madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay warbixino laga helay xarun gargaar oo laga sameeyay Muqdisho, tiradda dhimashada ayaa mareysa 100 qof oo gaari ah, kuwaasoo isugu jira arday Jaamacadeed iyo Iskuul.

Dhaawaca ayaa lagu sheegay in ka badan 130, kuwaasoo 40 kamid ah xaaladoodu tahay mid aan dalka wax looga qaban karin.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dowladdu ku dedaaleyso sidii dadkaas dibadda loogu qaadi lahaa si loo badbaadiyo.

Turkiga oo noqday dalkii ugu horeeyay ee kasoo jawaaba codsiga xukuumadda Muqdisho ayaa diyaarad gurmad ah uu u soo diray caasimadda.

Gargaar kale oo ka imaanaya qaar kamid ah dowladaha caalamka ayaa waxaa la filayaa in ay saacadaha soo aadan soo gaaraan dalka.

Weerarkii Ex-kontarool Afgooye ayaa noqonaya midkii labaad ee ugu dhimashadda badnaa ee ka dhacay Soomaaliya mudada ay jirto dowladda Farmaajo kadib xasuuqii Soobe oo boqolaa lagu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM