Khasaaraha ka dhashay qaraxyaddii Soobe oo kordhay

Image
Sarkaalka ayaa codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay korodhay tirada dadka ku dhintay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe, iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa u sheegay idaacadda VOA in tirada dhimashada ee ilaa haatan dawladdu ururisay ay tahay 119 dhimasho ah, 10 qof oo la la’yahay in 324 qof oo dhaawac ah.

Sarkaalka ayaa codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda.

Saraakiisha amniga ee dawladda ayaa aamisan in qaraxa ay gaysteen baabuur uu waday qof ismiidaamiyey, iyo mooto la dhigay isgoyska agteeda.

Tiradan ayaa ka dhigaysa weerarkii Sabtida kan labaad ee gaystay dhimashada ugu badan Soomaaliya. Weerarka ugu dhimashada badnaa ayaa ahaa weerarkii October 14-keedii 2017-ka ka dhacay isgoyska Zoobe.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii dhacay Sabtidii.
Madaxweynaha Soomaaliya, iyo dawladaha kale ee caalamka ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkan.

VOA + GO

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM