Khasaare ka dhashay hoobiye ku soo dhacay Muqdisho.

Image

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen madaafiic xalay saqdii dhexe lagu garaacay xaafado kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, xilli magaaladu bandow ku jirtay loona diyaar garoobayo caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, ilaa 7 Hoobiye ayaa xalay abbaare 2:00AM habeenimo waxa ay ku dheceen xaafado kamid ah degmada Wadajir oo kaabiga ku haya garoonka diyaarada Adan Cadde, halkaasoo maanta laga sugayo inay ka soo dagaan madaxda dalal Afrika ah.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in madaafiicda uu ku geeriyooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo isku qoys ahaa kuwaasoo uu gurigooda ku dhacay, qoyskan ayaa deganaa guri aan ka fogeyn hoyga Axmed Daaci Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir.

Gaadiid gurmad ah oo ay diyaariyeen ciidamadda amaanka ayaa durba goobaha caafimaadka ula cararay dadka ay waxyeelada gaartay, si adeegyo caafimaad loogu sameeyo, maadaama aaney jirin wax gaadiid ah oo dhaq dhaqaaqaya.

Guddiga ka shaqaynaya caleema saarka madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay bandow caasimadda ka dhaqan galay xalay 10:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

majirto koox sheegatay madaafiicda xalay ku soo dhacay xaafadda xiggo aagga ay ka dhaceyso xafladda Caleema saarka madaxweynaha, walow arrimahan looga bartay kooxda Shabaab iney ku beegto xilli munaasabado sidaan oo kale ah dhacayaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM