Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Jowhar

Image
Laba Xildhibaan ayaa kamid ah shaqsiyaadka ku dhaawacmay weerarkan.

BOOSAASO, Puntland - Oday dhaqameed ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay goob lagu shaaho oo ku taal magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Suleymaan Cumar, halka labadda kale oo Xildhibaano ahaa lagu kala magacaabo Cumar Maxamed iyo Yuusuf Cabdulqaadir Karaani.

Bishii October, labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo xalay saqdii dhexe ka dhacay bartamaha magaaladda Jowhar, ee Caasimadda maamulka HirShabeelle.

Maxamed Cabdi Cali “Maxamed Dheere” iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow “Kheyre”, ayaa qarax miino oo wadada qarkeeda la geliyay ku dhaawacmay xili ay kasoo laabteen munaasabad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii 5aad ee kasoo wareegatay aas-aaska HirShabeelle.

Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa lagu weeraray Jowhar tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, waxaana kooxo hubeysan ku dileen gudaha magaaladda Wasiirkii Beeraha HirShabeelle Cabdiqaadir Abuukar Karaani bishii August 2020.

HirShabeelle ayaa ah maamulka ugu dhaw Muqdisho, kaasoo saameynta ugu badan ay ku leedahay Villa Soomaaliya, waxaana maamulka ka jira uu yahay mid jilicsan, oo lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban amniga.

Al-Shabaab ayaa aalaaba looga bartey dhacdooyinka noocaan ah. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto sheegasho rasmi ah oo kooxda soo marsiisay warbaahinta ku hadasha afkeeda ee dhanka barta internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM