Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxan oo jugtiisa si weyn loo maqlay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa caawa abaare 7-da fiidnimo waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Via Liberia isgoyska Shaqaalaha ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Hal qof ayaa lagu waramay in uu ku geeriyoodey weerarkan. Wararka ayaa sheegaya in ruuxan uu saarnaa baabuurka isla markaana u uku gubtey markii uu waayay cid kasoo bixisa.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaan wali bixin fahfaahin ku saabsan waxa uu ahaa shaqsigan. Fahfaahinta qaar waxay xuseysaa in uu gaariga uu isagu lahaa looguna rakibay miinada.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda Muqdisho.

Sawirro iyo muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey burbur soo gaarey goobo ganacsi iyo gaadiid ku dhowaa halka ay wax ka dhaceen.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii hore ee maanta ay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ay ka dhaceen laba qarax oo loo adeegsadey gaari laguna weeraray xero ciidan.

Ugu yaraan 8 qof ayaa waxaa la sheegay in ay ku naf-waayeen weerarkan oo ay sheegatay maleyshiyadda Al-Shabaab isla markaana ay shaaca ka dhigtey in ay la beegsatay xero ay leeyihiin ciidamadda Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM