Khasaaro ka dhashay qaraxyo ka dhacay magaalada Baardheere

Image
Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray Xarunta ADC, iyadoo dadkii goobta isugu soo baxayna uu haleelay qarax labaad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen xarun ciidan oo ku taal magaalada Baardheere.

Ilaa hadda, dadka deegaanka ayaa maqlay laba qarax oo lala beegsaday "Xarunta ADC" halkaas oo la aaminsan yahay inay degan yihiin ciidamadda Itoobiya.

Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray Xarunta, iyadoo dadkii goobta isugu soo baxayna uu haleelay qarax 2-aad, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi. Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in laba qarax oo ismiidaamin ah ay la beegsadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baardheere.

Ciidamada Itoobiya ee taageeraya dowladda Soomaaliya ayaa saldhig ku leh magaalada. Cutubyadan waxay isugu jiraan kuwa ka tirsan taliska ATMIS iyo kuwa aan kamid ahayn.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo weerarkan ay kasoo saareen laamaha ammaanka Jubaland kuwaas oo uu hoostago gobolka wallow uu is-maan-dhaaf ka taagan yahay.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo magaaladda Baardheere ay ka jiraan xasarado siyaasadeed kuwaas oo salka ku haya khilaafka qadiyadda gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM