Khasaaro xooggan oo ka dhashay dagaal ka dhacay Koonfur Galbeed

Image
Labada dhinac ayaa isku adeegsaday madaafiic xooggan, waxaana ka dhashay khasaare aan la ogeyn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Axadii waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo.

Iska-hor-imaadkan ayaa ku soo aadaya todobaad un kadib markii ciidamada Soomaaliya ay dib ugala wareegeen degmada Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, labada dhinac ayaa isku adeegsaday madaafiic xooggan, waxaana ka dhashay khasaare aan la ogeyn.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegeen deegaanka Goofgaduud Buurey kadib markii Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen.

Dagaalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada xoogga dalka ay howlgal ballaaran ka sameeyeen xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaasi oo ay ku dileen ku dhawaad ​​100 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM