Khayre: Aduunyadda way diiday in mushaarka aan askarta kaash ku siino

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa qiray in Beesha Caalamka "aysan ka aqbaleyn" in mushaharka ciidanka lagu bixiyo qaab kaash ah, "sababtoo ah cabsi musuq awgii."

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa intaasi raaciyay in la isla qaatay in xoogaga dowlada ku helaan gunadooda iyadoo loo marsiinayo Bangiyo.

"Illaa iyo haatan 12-kun oo ciidan ayaa la diiwaan-geliyay oo mushaharkooda si toos ah u qaata," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay Tv-ga Universal.

Isaga oo sii hadlaya ayuu hoosta ka xariiqay in ay wali socoto diiwaan-gelinta ciidanka, balse ay wehliso kala shaan-dheyn. "Shaqo adag ayaana na hortaala," ayuu ku daray.

"Laakiin … ahmiyadu waxay tahay in askari walba oo la siiya mushaharka in uu joogo halka ay dowladdu ku ogtahay," ayuu daba dhigay, isaga oo carabka ku adkeynaya.

Ciidanka Soomaaliya ayaa nan wax mushahar ah qaadan saddex bilood ee lasoo dhaafay, sida uu ka dhawaajiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sababta ayaa lagu macneeyay xaalado soo korodhay oo ay kamid tahay tirokoobka iyo diiwaan-gelinta, wallow ay su'aalo kale dhasheen arrimahaasi.

Sidda laga soo xigtay daraasad cusub oo dhowaan la sameeyay, Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa haatan waxa ay tiradiisu tahay 25-kun, xita marka lagu daro kuwa maamuladda.

"Diiwaan-gelinta Ciidanka waa qayb kamida dib u habaynta, marka aan yeelano ciidamo tiradoodu la ogyahay ayaan qaran noqoneynaa," ayuu daba dhigay.

Hadalka Khayre ayaa dharbaaxo ku ah weedho horey uga soo yeeray xubno kamida xukuumadiisa oo ah in caalamka kalsooni ku qabo Laanta Fulinta.

Walaaca ugu balaaran ee deeq-bixiyaasha ka qabaan Soomaaliya ayaa ah in la musuq-maasuqo lacagaha ay ugu yahoobaan dalka maadaama sanad kasta uu safka hore uga jiro wadamada ugu wax isdabamarinta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM