Khayre oo baajiyey safar kadib weerarkii dhimashada badan sababay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa baajiyey socdaal uu maanta ugu ambabixi lahaa Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, sidda uu sheegay xafiiskiisa.

Sidda ku xusan qoraal kooban, sababta keentay dib-u-dhaca ayaa salka ku haysa qaraxii Ex-kontarol Afgooye.

War-saxaafadeedka ayaanan lagu caddeynin goorta xigta ee uu wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka u bedeshay safarkiisa magaala madaxda dowlad goboleedkaas

Khayre ayaa u tegaya xarunta gobolka Galgaduud arrimo la xiriira doorashooyinka maamulkaas oo bisha soo socoto qorshuhu yahay in ay si rasmi ah uga qabsoomaan magaaladaas.

Inta ka xaqiijiyey ku dhowaad 80 ruux oo u badan shacab gaar ahaan arday Jaamacadeed ayaa ku dhimatay weerarkii saaka oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyey in gaariga uu waday naftii hore ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Bishii August, 2019 ayay ahayd markii qarax noocaan ah uu ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, halkaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan tobban ruux kuna dhaawacmeen tirro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM