Khayre oo fariin cusub u diray ciidamadda Soomaaliya

Image
Dhawaqa ra'iisul wasaarihii hore ayaa imaanaya xilli khilaafka Madaxtooyada iyo xukuumada uu xoogeystay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxwayne, Xasan Cali Khayre, ayaa ugu baaqay ciidamadda Soomaaliya in ay dhex-dhexaad ka noqdaan xaalada dalku galay.

Khayre oo maanta shir jaraa'id ku qabtey xaruntiisa ololaha ayaa sidoo kale wuxuu ciidanka uga digay "in ay dhiig faraha la gelin iyo in inaanay dumin ilayska yar ee dalkan usoo baxay".

"Ciidamada amaanka iyo kuwa qalabka sida, waxaan uga digayaa in aanay dhiig faraha la gelin, in inaanay dumin ilayska yar ee dalkan usoo baxay, in inaanay goyn gacmaha shacabka cashuurta laga qaado oo iyaga mushaarkooda lagu bixiyo, in aanay barakicin, hooyooyinkooda, ubadkooda iyo maatada aan waxba galabsan, in aanay markale niyad jebin shacabka Soomaaliyeed iyo in aanay kala eryin dunida inoo so gurmatay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "In halkan inaan lasoo gaaro waa ayaan darro aan horayy uga dignay. Maanta waa maalintii aad u dhaarateenteen in laydinku baxsado. Waa maalintii aad ka fogaan lahaydeen in aad qof u adeegtaan".

Dhanka kale, madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayuu ku eedeeyay in odaytinimadda uu ka doortay "in uu ka doortay inuu dalka u jiheeyo Godkii mugdi ahaa ee hore loogu dhacay Soddomeeyo sano ka kor".

"Waana cadahay halka uu dalka u wado waayo  waxaa muuqata in uu  go’aansaday inuu isku qaso Dab iyo Gaas," ayuu hoosta ka xariiqay Khayre oo haatan xubin ka ah Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda.

Ugu dambeyntii, madaxda maamul goboleedyadda ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay kasoo qeybgalaan shirka golaha wadatashiga qaranka ee qorshuhu yahay in uu ku qabsoomo Muqdisho 27-da bishan December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM