Khayre oo u dhoofay Geneva iyo madaxda DF oo kordhiyay safarada dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Switzerland, isagoo hogaaminaya wafdi Wasiirro iyo mas'uuliyiin kale isagu jira.

Khayre ayaa lagu casuumey Shir looga hadlayo arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo shaqa la'aanta dhalinyarada oo lagu qabanayo magaaladda Geneva, ee caasimadda wadanka Switzerland.

"Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta u ambabaxay Geneva. Waxuu ka qeyb gali doonaa kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la'aanta dhallinyarada iyo haweenka, sidoo kale waxa uu hadal ka jeedin doonaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Safarka Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli labo maalmood kahor Muqdisho ay gilgileen saddex qarax oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo shacab ah, sidoo kalena amniga caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Madaxda sare ee dowladda ayaa kordhiyay safaradda dibadda, waxaa hadda ka maqan dalka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal oo ku sugan Jordon iyadoo Farmaajo uu labo maalmood kahor kasoo laabtey safarkiisii 5aad mudo bil gudaheeda kaasi oo uu ku tagey Qatar.

Socdaalka badan ee dibadda ayaa ku baxa lacago badan, iyadoo dowladda ku tiirsan yahay dhaqaalaheeda deeqaha caalamka uu siiyo, waxaana dalka gudihiisa ka jira amni xumo, xaalado bini'aadanimo iyo biyo la'aan gobollada qaar ee dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM