Khayre oo xil u magacaabay afhayeenkii hore ee baarlamaanka KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wareegto laga sii daayey telefishinka qaranka wuxuu ku magacaabay wasiiru dowlaha ganacsiga iyo warshadaha xukuumada federaalka ah.

Xasan Cali Khayre ayaa xilkaas wuxuu u xushay Cabdiqadir Shariif Sheekhuna Maye, sidda ku xusan wareegtadda magacaabida.

Mr Maye ayaa ahaa afhayeenka baarlamaanka koowaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, xilkaas oo dhowaan loo doortay Cali Saciid Fiqi, oo xiriir dhow la leh madaxda Villa Soomaaliya.

Doorashada Fiqi ayaa la aaminsan yahay in ay maalgelisay Madaxtooyadda Qaranka, oo lagu eedeeyay in ay faragelisay coddeynta.

Wararka ayaa sheegaya in jagada haatan loo dhiibay Maye ay kamid ahayd balanqaad loo sameeyay, kaas oo uu ku ogolaadey in uu ka tanaasulay kursigiisa Xildhibaanimo iyo gudoomiyaha.

Mas'uulka cusub ayaa bedeli doona Daahir Cabdi Cabdullaahi [Dr Go], kaas oo aan wali la ka jawaabin xilka ka qaadistiisa.

Koonfur Galbeed waxaa waxaa hogaamiya Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen], kaas oo xukuumadda Khayre ka tirsanaa. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in doorashadiisa lagu bixiyey laaluush badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM