Khilaaf ka dhex-qarxay hogaanka baarlamaanka Galmudug

Image
Guddoomiye Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay hab-raaca golahan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug, C/llaahi Xirsi, ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Nuur inuu ku xad-gudbay hab-raaca golahan xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska gaarka ah ee Xirsi, Mr Nuur ayaa xadgudubkan wuxuu ku kacay kaddib markii uu shaqadda ka joojiyey xildhibaannada baarlamaanka qaarkood.

Lix xubin oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa laga joojiyay lacagta Gunada iyo fadhiyada joogtada, kadib markii lagu eedeeyay inay dhaliileen siyaasada Madaxweyne Qoor-Qoor.

Xildhibaanada oo kala ah C/llaahi Xirsi Maxamed, Axmed C/risaaq, C/naasir Aadan, C/qaadir C/llaahi Bariise, Mursal Maxamed iyo Daahir Cabdi Shiiqow ayaa laga joojiyay afar kulan oo kamid ah kalfadhiga 5aad ee sanadkan 2022.

Sidoo kale, waxaa laga jaray labo bilood oo Gunadii ay qaadan jireen, iyadoo lagu amaray inay soo gudbiyaan cudur-daar qoraal iyo oraah ah, oo ay raali-gelin uga bixinayaan eedaha loo jeediyay ee ah sharci-jebinta.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi oo ka falceliyay arintan ayaa yiri: Waxaan ognahay wixii maalin dhoweyd ka dhacay xarunta barlamaanka Galmudug iyo sharciyo ayadoon kooramku buuxin uu Gacal marsiiyey, Xildhibaanadii arintaas ka hadlayna lagu haysto maxaad u hadasheen.

Galmudug ayaa mudo kusoo jiray kala qeybsanaan iyo khilaafyo siyaasadeed, iyadoo khatar Al-Shabaab ay ku geedaaman tahay Dhuusamareeb, oo xarun u ah. Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay wax-qabad la'aan iyo safaro joogto ah iyo dibad-joognimo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM