Khilaaf nooc cusub ah oo soo dhexgalay dowlada iyo maamulada

Image
Horey waxaa looga heshiiyay khilaafkii wasaaradaha maaliyadda, shidaalka iyo kalluumaysiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkasta oo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu si guud wanaagsanyahay, haddane waxaa si joogto ah usoo baxa khilafaad halis galiya xiriirkaasi, sidda ay muujinayaan dhacdooyinkii u dambeeyay.

Waxaa sanadihii dambe soo xoogeysanayay nooc cusub oo khilaaf ah, kaas oo wasaaradaha isku shaqada ah ee ka jira dowlad goboleedyada ay war saxaafadeed ku sheegayaan in ay xiriirka u jareen wasaaradda la midka ah ee heer federaal.

Horey waxaa looga heshiiyay khilaafkii wasaaradaha maaliyadda, shidaalka iyo kalluumaysiga. Hadda waxaa taagan mid cusub oo u dhaxeeya wasaaradaha isgaarsiinta ee heer maamul iyo tan federaal.

War saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen ayay ku sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeynta wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta federaalka, iyaga oo wasiirka ku eedeeyay dhawr qodob oo uu ka midyahay in uu ku tagrifalay mashruuca Digital Migration ee Bangiga Adduunka oo ku fadhiya $80 milyan oo doolar.

Waxa kale oo ay wasaaradaha isgaarsiinta shanta maamul goboleed ku eedeeyeen tan federaalka in ay ka qadisay siminaarada iyo mashaariicda.

Deeqbixiyeyaasha maalgaliya mashaariicda horumarinta Soomaaliya ee soo mariya Bangiga Adduunka ayaa waxa shuruudooda ah in wasaaradaha federaalka ay mashruuc kasta kala shaqeeyaan wasaaradda quseysa ee heer dowlad goboleed.

Maadaama habka maamulka mashaariicda ay liitaan heer kasta, ayaa waxaa marar badan dhacda in masuuliyiinta wasaaradaha ay ku kala aragti duwanaadaan sida loo fulinayo, iyada oo masuul kasta uu dantiisa ka dhex raadinayo mashruuca.

Shirar ayaa bilahan si joogto ah uga dhacayaa Muqdisho, kuwaas oo dhexmarayay wasaaradaha labada heer ee dowladda, waxaana shirka marka uu dhamaado qaabilayay madaxda ugu sareysa dowladda sida Ra'iisul Wasaaraha.

Shirarkaasi midkood markii uu soo dhamaaday waxaa Wasiirada qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ahaa shirkii wasaaradaha waxbarashada.

Inkasta oo shirarkan ujeedkoodu yahay in la abuuro jawi wada shaqayn, haddane waxa ay saldhig u noqonayaan khilaaf nooc cusub ah oo uga sii daraya khilaafyadii hore ee madaxda sare ay sida joogtada ah uga shirayeen, sida arrimaha dastuurka iyo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM

Ciidamada SSC-Khaatumo oo Guul Ka Gaaray Dagaal Ka Dhacay Shangeed

Dhanka kale, Ciidanka Somaliland ayaa sheegay inay qabteen dagaalyahanno SSC-Khaatumo ah iyo gaadiid intii lagu guda jiray isku dhacaas.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 08:51AM