Khilaaf siyaasadeed iyo mudaaharaadyo ka socda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Dalka Kenya ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay dibadbaxyo waaweyn oo ay soo abaabuleen mucaaradka Kenya, kuwaas oo qalalaase isu rogey markii dambe.

Shacabka ayaa wadooyinka isugu soo baxay si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan sharciga maaliyadda ee dowladdu soo saartay.

Sharciga ayaa soo rogay canshuuro cusub, wuxuuna joojiyay kabkii dawladda, taasoo uga sii dartay shacabaka dhibaatada sicir bararka ee dalka ka jirtay.

Canshuurahan cusub ayaa sare u qaaday maciishada, gaar ahaan qiimaha shidaalka, taasoo wax ka bedeshay nolosha dadka oo hadda la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda.

Sababaha ugu weyn ee banaanbaxan ayaa sidoo kale ah in mucaaradka ay aaminsan yihiin in doorashadii sanadkii hore lagu shubtay, taasi oo keentay kalsooni darro baahsan oo ay ka qabaan dowladda hadda jirta.

Madaxweyne William Ruto ayaa si adag uga soo horjeestay dibadbaxyadan, taasoo keentay in ay isku dhacaan banaanbaxayaasha iyo booliiska Kenya oo rasaas ku furay.

Dibadbaxa inta uu socday ayey xaaladdu cirka isku shareertay, waxaana la xiray goobihii ganacsiga iyo iskuullada.

Waxa sidoo kale xabsiga loo taxaabay madaxdii mucaaradka, taas oo sii kordhisay xiisadda ka dhex oogan xukuumadda iyo kuwa ka soo horjeeda.

Baaqyo wada hadal ah oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa ka soo baxay dhinacyo kala duwan, sida culumaa’udiinka iyo ergooyin caalami ah.

Hey'ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday madaxda Kenya inay joojiyaan ku sifaynta mudaaharaadayaasha "argagixiso" iyo inay ixtiraamaan xuquuqda isu imaatinka nabdoon.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in xal u helida dhibaatada ka taagan Kenya ay ku qotomaan in wax laga qabto cabashooyinka mucaaradka iyo in la helo mawqif midaysan oo ku saabsan arrimaha maaliyadda, taasoo dhabaha u xaari kartaa Kenya oo mideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM