Khilaafka safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya oo la baarayo

Image
Xeer-ilaalinta Italy ayaa baadigoobaysa xudunta murankan ka dhashay magacaabid uu sameeyay maamulka Farmaajo.

ROMA, Italy - Muranka daba-dheeraaday ee ka dhaxeeya ergada sarre Soomaaliya ee ku sugan Rome ayaa hadda waxaa ku socda baaritaanno ay wadaan xeer-ilaaliyeyaal Talyaani ah kuwaas oo doonaya in ay soo saaraan xudunta khilaafyada aan dhammaadka lahayn ee ka dhex jira howlgalka kaas oo si weyn u saameeyay adeeg bixinta safaaradda.

Is-qabqabsiga ayaa ka dhashay magacaabista Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur oo bishii hore ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda u magacawday Sii-hayaha Safaaradda. Si kastaba ha ahaatee, maamullada ka jira Soomaaliya ma aysan shaacin halka uu ku dambeyn doono Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise oo xilka safiirnimo horey u soo qabtay.

Sheekh Ciise wuxuu sheegay in wasaaraddu ay ka hortimid hab-maamuuska magacaabidda mar haddii Eedeysanaha ay ahayd in laga soo magacaabo shaqaalaha dhexdiisa. Afartii sano ee la soo dhaafay ayuu howshaas mas’uul ka ahaa.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise dib loogu yeeray wada tashi gudaha ah, isla markaana uu waqtigiisa ku ekaa 28-ka March.

Sidoo kale, khilaafka ayaa salka ku haya in magacaabista Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur ay ku soo beegantay xilli aysan Soomaaliya ka dhicin doorashada Aqalka Hoose. Xildhibaanadan ayaa u xilsaaran turxaan bixinta madaxda Ergada.

Mas'uuliyiinta Talyaaniga ayaa ku andacoonaya in Sheekh Nuur uu si sharci darro ah saq dhexe galay lana wareegay fureyaasha safaaradda isla markaana uu gabi ahaanba qufuladii badalay.

Ciise oo aad u carooday ayaa ku guuldaraystay inuu galo xafiiska taas oo ku qasabtay inuu booliska ku wargeliyo. Ergeyga ayaa u sheegay baarayaasha in "jidh ahaan laga hor istaagay gudashada waajibaadyada kuwaas oo wali socda".

Warar ay baahiyeen warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu adeer u yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nuur ayaa horay uga soo shaqeeyay magaalada Lusaka ee dalka Zambia isaga waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay nin ay ku kalsoon tahay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Koonfurta Soomaaliya waxaa mar gumeysan jiray Talyaaniga ka hor intii aysan xornimada qaadan 1960-kii iyadoo bilihii ugu dambeeyay dalku uu fasaxay in laga sii daayo idaacadda qaranka ee afka Talyaaniga. Waqooyiga Soomaaliya oo waqti-xaadirkan loo yaqaano Somaliland waxaa gumaystay Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM