Kiiska xariga Cabdalla Muumin: Garsoorka oo wajahaya "cadaadis"

Image
Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa la sheegay in ay "ka shaqeynayaan" in uu soo baxo xukun dowladda ka farxiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS ayaa Axada maanta ah waxa uu shaaca ka dhigtey in dowladda federaalka Soomaaliya ay siyaasadeysay kiiska xoghayahooda Cabdalla Muumin Axmed.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa lagu caddeeyay in mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda ay ku cadaadinayaan maxkamadda gobolka Banaadir in ay soo saaraan go'aan dhankooda u jaranjeera.

"Sida ay Somali Journalists Syndicate - SJS kasoo xigatay ilo wareed dowladda ka tirsan, waxaa kulan qarsoodi ah oo looga hadlay kiiska Xoghayaha Guud ee #SJS Abdalle Ahmed Mumin wada yeeshay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Villa Somalia Abshir Bukhaari, Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Saalax Dabaan) iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Siciid Cali Maxamed," ayaa lagu yir bayaanka.

Al-Cadaala iyo Abshir Bukhaari ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedeynta loo jeediyey. Dhageysiga kiiskan ayaa loo ballansan yahay maalinta Arbacada soo socota ee 4 January 2023.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA SJS

UPDATE: Sida ay Somali Journalists Syndicate - SJS kasoo xigatay ilo wareed dowladda ka tirsan, waxaa kulan qarsoodi ah oo looga hadlay kiiska Xoghayaha Guud ee #SJS Abdalle Ahmed Mumin wada yeeshay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Villa Somalia Abshir Bukhaari, Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Saalax Dabaan) iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Siciid Cali Maxamed.

Xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in kulankan ay soo abaabuleen Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Caadala ayna isku dayeen inay labada guddoomiye ee maxkamadaha cadaadis ku saaraan kiiska Abdalle Ahmed Mumin. Waxaana ka dhashay kulanka dood dheer ka dib markii Abshir iyo Cadaala ay u sheegeen labada guddoomiye inay kiiskan iyagu ku lug leeyihiin uuna yahay arrin siyaasadeed ayna ka cabsi qabaan inay fashilmaan, sidaasi darteed na maxkamadda ay iyaga u hiiliso maadaama labada maxkamadood ay isku xigaan marka loo eego heerarka dacwadaha loo qaado.

Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Caadala ayaa dadaal ugu jira in ay garsoorka dalka saaraan cadaadis maadaama ay ku ceeboobeen weerarkii lagu soo qaaday xafiiska #SJS ee 10 October iyo xariggii sharci darrada ahaa ee loo geystay Xoghaye Mumin ee 11 October kaasoo illaa hadda socda. Ma cadda in maxkamaduhu u hoggaansami doonaan cadaadiska iyo caga-jugleynta uga imaaneysa labada nin iyo inay ka madax-bannaanaan doonaan.

Dhageysiga kiiskan ayaa loo ballansan yahay maalinta Arbacada soo socota ee 4 January 2023.

15 October 2022 ayay sidan oo kale Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Caadala la kulmeen guddoomiyaashii xilligaasi ee maxkamadaha oo hadda la beddelay, iyagoo cadaadis ku saaray in kiiska Abdalle Ahmed Mumin la daba dheereeyo waqti ahaan.


Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda ugu xun ee warbaahin madax-banaan ay ka shaqeysi. Sidda ay muujineyso tirokoobkii ugu dambeeyay, 20-kii sano lasoo dhaafay waxaa dalka lagu dilay 78 saxafi oo ku baxay gacmo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ahaayeen heshiisyada badan ee Cirro lasoo galay Imaaraadka?

Somaliland-na waxay xafiis diblomaasiyadeed ku leedahay UAE, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal.

  • Soomaliya

    30-01-2025

  • 06:01PM

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM