Kismaayo: Doorashadda lix kursi oo lagu dhawaaqay

Image
Doorashooyinka dalka ayaa si dar dar leh ku socda tan iyo markii ay heshiiyeen golaha wadatashiga.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee taalla Jubbaland.

Kuraasta maanta la shaaciyay ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaanada kala ah. Abdullahi Mohamed Adan SHAACIR, Sheikh Nur Mohamed Hassan, Xaawo Maxamed Aadan, Mohamed Nur Iftin SHAMBARA, Abdikadir Mohamed Osman FALIIJE, Abdulkadir Sheikh Ali Ibraahim BAQDAADI waxaana dhamaantood laga soo doortaa goboladda Jubooyinka.

Doorashooyinka dalka ayaa si dar dar leh ku socda tan iyo markii golaha wadatashiga qaran ku heshiiyeen 40 maalin lagu soo gabagabeeyo codaynta.

Shalay ayay aheyd markii Guddiga doorashada heer DG ee Puntland ay shaaciyeen 11 kursi oo kala ah; HOP#014, HOP#174, HOP#191, HOP#192, HOP#129, HOP#075, HOP#121, HOP#221, HOP#073, HOP#198 iyo HOP#199.

Taas ayaa ka dhigaysa kuraasta ilaa iyo hada ay shaacisay Puntland tirro dhan 21.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in faah-faahinta jadwalka iyo kala horeynta doorashada kuraasta uu shalay shaaciyay ay dib kasoo saari doonaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

image.png

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM