Kismaayo: Doorashadda lix kursi oo lagu dhawaaqay

Image
Doorashooyinka dalka ayaa si dar dar leh ku socda tan iyo markii ay heshiiyeen golaha wadatashiga.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee taalla Jubbaland.

Kuraasta maanta la shaaciyay ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaanada kala ah. Abdullahi Mohamed Adan SHAACIR, Sheikh Nur Mohamed Hassan, Xaawo Maxamed Aadan, Mohamed Nur Iftin SHAMBARA, Abdikadir Mohamed Osman FALIIJE, Abdulkadir Sheikh Ali Ibraahim BAQDAADI waxaana dhamaantood laga soo doortaa goboladda Jubooyinka.

Doorashooyinka dalka ayaa si dar dar leh ku socda tan iyo markii golaha wadatashiga qaran ku heshiiyeen 40 maalin lagu soo gabagabeeyo codaynta.

Shalay ayay aheyd markii Guddiga doorashada heer DG ee Puntland ay shaaciyeen 11 kursi oo kala ah; HOP#014, HOP#174, HOP#191, HOP#192, HOP#129, HOP#075, HOP#121, HOP#221, HOP#073, HOP#198 iyo HOP#199.

Taas ayaa ka dhigaysa kuraasta ilaa iyo hada ay shaacisay Puntland tirro dhan 21.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in faah-faahinta jadwalka iyo kala horeynta doorashada kuraasta uu shalay shaaciyay ay dib kasoo saari doonaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

image.png

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM