Kismayo: Dabley hubeysan oo weerartey Yaasiin Raadeer

Image

KISMAYO Dec,23, 2014 [GO]- Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayaa saakay lagu weeraray Hoteel Tawakal ee ku yaal bartamaha magalada Kismaayo.

Dableey hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas fara badan ooda kaga qaadey gaari uu saarnaa Raadeer oo marka ka soo baxayay Hoteel Tawakal.

Faaduma Kiin oo ah ehelka Yaasin Raadeer ayaa bogga Garowe Online u sheegtay in rasaasta ay ka haleeshay madaxa iyo caloosha dhaawaciisana uu yahay mid halis ah.

Dhaawaca Raadeer oo lagu sheegay mid aan Kismaayo waxba looga qaban karin ayaa hadda lagula tacaalayaa Isbitaal ay leeyihiin AMISOM oo ku yaal Airportka magalada Kismaayo.

Yasiin Raadeer ayaa hadda ka hor bishii June sanadii 2013 dhaawac halis ah uu ka soo gaaray rasaas ay ku fureen dableey jidgooyo dhigatay gaari uu saarnaa isagoo markaas dhaawac kasoo gaarey  madaxa qeybta wejiga.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa ku badan aanooyin la xiriira qabiilka iyadoo halkaas wada dagaan qabaa'il horey u dhexmareen dagaalo sokeeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM

Wasiirrada Gaashaandhigga Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay Qaahira si ay u xoojiyaan iskaashiga milatari

Masar ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

  • Soomaliya

    30-09-2025

  • 12:04PM