Kismayo: Dabley hubeysan oo weerartey Yaasiin Raadeer

Image

KISMAYO Dec,23, 2014 [GO]- Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayaa saakay lagu weeraray Hoteel Tawakal ee ku yaal bartamaha magalada Kismaayo.

Dableey hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas fara badan ooda kaga qaadey gaari uu saarnaa Raadeer oo marka ka soo baxayay Hoteel Tawakal.

Faaduma Kiin oo ah ehelka Yaasin Raadeer ayaa bogga Garowe Online u sheegtay in rasaasta ay ka haleeshay madaxa iyo caloosha dhaawaciisana uu yahay mid halis ah.

Dhaawaca Raadeer oo lagu sheegay mid aan Kismaayo waxba looga qaban karin ayaa hadda lagula tacaalayaa Isbitaal ay leeyihiin AMISOM oo ku yaal Airportka magalada Kismaayo.

Yasiin Raadeer ayaa hadda ka hor bishii June sanadii 2013 dhaawac halis ah uu ka soo gaaray rasaas ay ku fureen dableey jidgooyo dhigatay gaari uu saarnaa isagoo markaas dhaawac kasoo gaarey  madaxa qeybta wejiga.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa ku badan aanooyin la xiriira qabiilka iyadoo halkaas wada dagaan qabaa'il horey u dhexmareen dagaalo sokeeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM