Kolonyaddii ugu horeysay oo 14 sano u kala gooshta Xamar iyo Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, (GO) - Gaadiid sida sahayda ciidamka ayaa markii ugu horeysay muddo 14 sano ah u safray wadada dheer ee u dhaxaysa Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxayna nabad ku gaareen halkii loo waday.

Tani ayaa ka dhigan horumar weyn oo dhanka amniga ah xilli dagaalo qaraar ay ku furanyihiin kooxda Alshabaab oo looga waashey marista waddooyinka.

Gaadiidkan oo dhan 12 ayaa u rarnaa ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka ka tirsan.

Sida ay sheegayaan wararka ay heshey GO, waddooyin kale ayaa iyaguna furmay, kuwaas durbaba la bilaabay in la adeegsado.

Sahayda ciidanka iyo isu socodka ciidamada ayaa markii hore lagu fulin jirey dhanka cirka. 

Haddii dagaalka guulo kale laga gaaro, waxaa lasoo tabinayaa In xitaa waddooyinka la marin doono gargaarka biniaadanimo ee hadda ka xayiran meelo badan.

Dhanka kale waxaa magaalada Dhuusamareeb soo gaarey galinkii dambe Khamiista Taliyaha ciidamada Qaranka iyo wasiirka Gashaandhiga dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhuusamreeb iyo degaano ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ka socda abaabul xoogan ee ciidan ee ku wajahan dagaanada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al Shabab.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM