Koonfur Galbeed: Dadka abaarta saameysay oo loo qaylo-dhaamiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Laftagareen ayaa qaabilay ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths 

Kulanka waxaa looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka. 

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada maamul goboleedkan qaybta ka ah dowladda federaalka iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

Laftagareen oo kulanka kadib u waramay saxaafadda ayaa shaaca ka dhigay in ay isla qaateen baahida loo qabo gurmad degdeg ah oo la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa mudane Griffiths booqashadda uu noogu yimid waxaana uu soo arki doonaa qaar kamid ah barakacyaasha xeryaha Baydhabo," ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Dhankiisa, Griffiths ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Koonfur Galbeed ee la daalaadhacaya saameynta abaarta ay baahan yihiin taageero caalami ah uuna fariintaas gaarsi doono aduunka.

"Waxaan maqsuud ka nahay hogaaminta madaxwayne Laftagareen iyo golahiisa wasiiradda waxaana rajeynayaa in aan sii xoojino xiriirka nagala dhaxeeya annaga oo iska kaashaneyna u gargaarida dadka Koonfur Galbeed," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkisia Mudane Martin Griffiths.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM