Koonfur Galbeed: Mas'uul hoygiisa lagala baxay oo la dilay

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkaas.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Dabley loo maleynayo dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa afduubtey kadibna dilay Manuur Sheekh Yuusuf, guddoomiyihii maxkamada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Sida ay muujinayaan warbixinada laga helay dadka degaanka, marxuumka ayaa habeenimadii Arbacadda lagala baxay hoygiisa waxaana meydkiisa laga helay subaxdii duleedka magaaladda.

Saraakiil dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in ay baaritaan ku bilaabeen dhacdadan ayna soo bandhigi doonan natiijadda baaritaanka oo gabagabadiisa aysan waqti u qaban.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh ururka argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkan, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afkooda oo adeegsaneysa baraha internet-ka.

"Geerida Manuur waxay saameysay qof kasta oo kamid ah dadka ku dhaqan Buurhakaba maadaama uu ahaa mid si weyn looga yaqaano degaanka oo idil," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Illaa haatan, lama ogga haddii ay jiraan howlgallo ay ciidamadda amniga u sameeyeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen. Laamaha ammaanka waxay ka gaabsadeen in ay ka warbixiyaan dhacdadan.

Buurhakaba oo 181 KM u jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho marka la adeegsanayo wadada magaalada Baydhabo ayaa caan ku ah buuro badan waana sababta loogu yaqaano magaca ay hadda leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM