Kooxda Xasan Sheekh iyo Awood maroorsiga sii xoogaysanaya

Image

MUQDISHO, (GO) - Sawirkii kasoo baxay shirkii Aqalka Pentagon ka kasoo baxay shalay oo ay ka muuqdeen madaxda Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa koobay xog kasta ood uga baahantahay halka uu marayo awood maroorsiga sii xoogaysanaya ee ay wadaan kooxda Xasan Sheekh.

Haddii laga wada hadlayay difaac, wasiirkii gaashaandhiga ee Soomaaliya miiska waa uu ka maqnaa, haddii laga hadlay arrimo dibed wasiirkii Arrimaha dibeda waa uu ka maqnaa oo waxaa fadhiyay wasiir ku xigeenka Cali Balcad , haddii amni laga hadlayna hal qof oo amni ka shaqeeya waftiga madaxweynaha lama uusan socon.

Sida iyada oo aysan taasi ahayn arrin hagardaamo iyo gacan-bidxayn ku filan oo lagu sameeyay raggii shaqada lahaa, ayay kooxda Xasan Sheekh fariisteen miis kale oo ah kan ugu sareeya ee maaliyadda, Bangiga Adduunka, iyada oo laga wadahadlayay kaalmada caalamiga ah , waxaana meesha ka maqnaa wasiirkii maaliyadda ee ay hawshaasi qusaysay. Waxaa keliya miiska dhinac ka fadhiyay la taliyaha dhaqaalaha Xasan Hoosoow oo xafiiska madaxweynaha ka tirsan.

Waftiga madaxweynaha waxa kale oo kulan heerkiisu sareeyo la yeesheen wasiirka Arrimaha dibedda Maraykanka Anthony Blinken, balse dhiggiisa oo ah Abshir Huruuse waxaa looga soo tagay Muqdisho, waxaana miiska fadhiyay wasiir ku xigeenka Cali Balcad oo marar badan oo horena sidaasi u leexsaday shaqadii wasiirka, haddane si toos ah ula shaqeeya madaxweynaha in ka badan intii uu la shaqayn lahaa Raisulwasaaraha.

Kulamada uu madaxweynaha ku galay Washington waxaa lagu duubay taleefoonka gacanta, iyada oo laga tagay kaamiriistayaashii Villa Somalia iyo xitaa afhayeenkii oo markan uu kaalintiisii buuxiyay agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda Cabdiqaadir Cali Dige oo ah muwaadhin Ameerikaan ah, safarkana si iskiis ah ku socday isaga oo aanan ka tirsanayn waftiga rasmiga ah ee madaxweynaha ee dowladda Maraykanka maamuusayso.

Marka laga yimaado arrimahaasi, madaxweynaha qudhiisa ayaad mooddaa in uusan wax badan u hambaynin Raisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo hadda la sheegay in uusan xitaa kaba warqabin malafyada qaar, maadaamaa shaqada inteeda badan ay ka socoto xafiiska madaxweynaha.

Raisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka baaqday guddoominta shirka Golaha Wasiirada ee khamiislaha, isaga oo magaalada dhinac ka joogay. Lama oga sababta.

Lama oga cawaaqibka ka dhalan kara awood maroorsiga ay wadaan kooxda madaxweynaha, balse shucuurta arrintan waxaa laga dareemi doonaa marka uu furmo kalfadhiga baarlamaanka ee soo socda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM